Hogaanka Shirka 3da Gobol oo Baydhabo ku casumay Maamulo kala duwan

49

Waxaa Kasocda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan Midka lagu dhisayo Sadexda Gobal.

Ex Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi oo ah Afhayeenka Gudiga Doorashada ee Maamulka Sadexda Gobal oo la hadlay warbaahinta Guadaha  ayaa Kawarbixiyeey Halka uu marayo shirka Sadexda ee Maamulka Koonfur Galbeed .

Waxa uu shegay in Maalinta Berito ah Sideeda Subaxnimo la qaban doono Araajida Musharaxiinta u Tartamaysa Jagada Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed ee Sadexda Gobal.

Dhinaca kale wuxuu Fah faahin kabixiyeey shuruudaha laga doonayo musharaxiinta Tartamaysa,isagoo dhinaca kale sheegay in Ergooyin farabadan ay jogaan shirka.

Waxa uu sido kale kale sheegay Afhayeenka Gudiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed in Doorashada lagu Casumay Maamulada Dalka sida Puntland,Jubbaland,iyo IGAD iyo sido kale Wafuud Beesha caalamka kasocda,isagoo si Raciyeey in Xubno Dowladda somaaliya kasocda ay ku suganyihiin Xarunta shirka ee lagu dhisayo Maamul ka kooban Sadex gobal.

Shir-Baydhab-21

Idale News Online, Baydhabo

 

You might also like More from author

Comments are closed.