Qabashada Araajida Musharaxiinta maamulka saddaxda Gobol oo maanta ka bilaabeysa Magaalada Baydhabao Janaay.

50

Sida uu  sheegay afhayeenka Gudda Doorashada Maamulka Saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya, maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa la qabanayaa araajida musharaxiinta u taagan qabashada Hogaanka saddex Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Saddexda Gobol Maxamed Xasan Fiqi, ayaa sheegay in maanta la qabanayo araajida musharaxiinta go’aankaasina uu soo baxay, kadib markii kulan ay yeesheen guddiga doorashooyinka.

Wuxuu kaloo sheegay in shuruudaha qofka laga rabo ay kamid tahay inuu bixiyo lacag gaaraysa $3000 oo doolarka Mareykanka ah, marka laga soo tago shuruudaha ah in qofka Soomaali uu yahay iyo inuu caafimaad qabo.

27-ka Bishan ayuu afhayeenka sheegay inay Baydhabo ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee saddexda Gobol.

Baydhabo ayaa horay waxaa loogu doortay Madaxweynaha Maamulka lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya oo loo doortay Madoobe Nuunoow Maxamed.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay usheegtay inay aqoonsan tahay maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.

baydhabao janaay

Idale News Online, Baydhaba

You might also like More from author

Comments are closed.