Xukuumadda Soomaaliya oo Hubka in ay dhigaan ugu baaqday Dhalinyarada Al Shabaab ka tirsan.

110

Mudane Max’ed Sheekh Xasan Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya oo u warramayay Warbaahinta ayaa ugu baaqay dhalinyarada Al Shabaab ka bar bar dirirta in ay Nabadda qataan oo ay isu soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in Mustaqbal wanaagsan ay u sameyso dhalinyaradaasi la qaday sida uu hadalka u dhigay.

Ma aha in gacmihiinna aad dhiig uga daadisaan Dadkiina kuna bur burisaan dalkiinna” ayuu Yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Sheekh Xasan Xaamud.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa ku baaqay in Gurmad gar gaar oo deg deg ah lala gaaro Deegaanada dhawaan dowladda ay kala wareegtay gacan ku heyntooda dhaq dhaqaaqa Al Shabaab kuwaas oo uu sheegay in uu saameeyay xilliga Jiilaalka ee haatan lagu guda jiro.

xaaamud

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.