RW soomaaliya oo Alshabab ugu baaqey in ay ka tanaasulaan fikirkooda miyalka adag.

121

cabdi weli

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhaweyn iyo shaqooyin intaba ay usameynayso dhalinyarada Al-Shabaabka ah ee Dowladda dagaalka kala soo horjeeda.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo hadalkaan ka dhawaajiyay ayaa wuxuu sheegay Dhalinyarada ku jira Shabaab in marwaliba Dowladda Soomaaliya ay kusoo dhaweynayso gacmo furan.

Wuxuu kaloo sheegay in raga Shabaabka ah Dowladda ay usameynayso shaqooyin ay noloshooda ku maareeyeen waa hadii ay ka tanaasulayaan sida uu yiri fekerka qaldan ee ay ku jiraan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka badan ee maskaxda laga xaday inay dadkooda usoo noqdaan oo nolol wanaagsan ay ku noolaadaan, Xukuumaddana waa ay soo dhaweynaysaa horayna waa ay usheegtay”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dowladda ayaan ka daalin baaqa ah in Al-Shabaab ay ugu yeerto inay ka tanaasulaan fekerka ay ku dagaalamayaan, iyadoo hadalada Dowladda aysan dhagjalaq usiinin Dhalinyarada Shabaabka ku jira.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.