DFS oo maalin lagu xasuusta u samayneysa AUN Tubeec.

101

Wasiiro katirsan Doowlada Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qoyskii uu ka geeriyooday Allaha unaxariistee Fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec.

Xasan Maxamed Suleymaan, oo ah wiil uu dhalay Maxamed Suleymaan, oo kulankaasi kadib wareysi siinayay Idaacada VOA, ayaa sheegay in wasiiro katirsan Doowlada ay Casho sharaf u sameeyeen Xalay.

Wasiirada Kulankaas ka qeyb galay waxaa kamid ahaa, wasiirka Diinta iyo Owqaafta, wasiirka warfaafinta, sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay Fanaanada weyn Hibo Nuura.
tubeec

Xasan ayaa sheegay in Doowlada Soomaaliya ay u ballanqaaday, in Allaha unaxariistee Fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec loo sameyn doono maalin ay Ummada Soomaaliyeed ku xasuustaan kooda ugu yar iyo kooda ugu weyn.

Allaha Unaxariistee Maxamed Suleymaan Tubeec oo loogu yeeri jiray Boqorka Codka, waxa uu ahaa Fanaan si weyn looga yaqaan guud ahaan dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.