Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ku wajahan Baydhabo iyo Maamulka KG Somalia oo ka digay Imaanshahiisa Gobolka

0 82

Madaxweynaha Maamulka KG Somalia Madoobe Nuunow Max’ed iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka u taageersan dhismaha dowlad goboleedka lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isugu la filaayo in maalinta berito ah gaaro  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay Geeseey oo saxaafada la hadlaayey ayaa ka digay imaanshaha shariifka ee degmada Baydhabo waxuuna isagoo hadlaayo yiri: “Shariif ha soo dhaafin magaalada Muqdisho haddii kale ceeb iyo sharaf daro ayaad kala kulmeysaa magaalada Baydhabo”. C/fataax Geeseey oo hadalkiisa sii wada ayaa sidoo kale yiri “Haddii aad ka madax adeegto digniinteena oo aad Baydhabo soo gaarto iskuna deydo inaad reer KG kala qeybiso, cid ku difaaceysa ma jirto dhexda ayaana lagaa kala go’aynaa” waa sida uu hadalka u yiri.

Halkaan Hoose ka daawo

Hadalkaasi kulul isla markaasna digniinta xamaarsan ka dib ayaa waxaa warar hoose oo idale News Online ay ka heshay ilo lagu kalsoonaan karo sheegeen in Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan qaatey go’aan degdeg ah oo maalinta berito ah uu kutaagaayo isaga iyo wafdi xildhibaano ah oo taageersan dhismaha maamul seddexda gobol ka kooban magaalada Baydhabo, waxaana la sheegayaa in tagistoodu degmada gogal xaar u tahay wafdi kale oo ka socda beesha caalamka gaar ahaan IGAD iyo qaramada midoobey oo maalmo ka dib tagi doonta gobolka. 

Talaabada xildhibaan Shariif Xasan uu sheegay inuu ku tagaayo magaalada Baydhabo ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo dhowaan qaar ka mid ahaa masuuliyiintii maamulka gobolka Bay sida Shiimo Macalin Nuuroow iyo  Sandheere Max’ed Iftiin oo iyagu qeybta ka ahaa shirka Hotel Bakiin sheegeen inay ka baxeen shirka maamul u sameynta 3da gobol ee ka socday hotel Bakiin haatana ay ku biireen maamulka lixda gobol ee Madaxweyne Nuunoow.

Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan oo dadka Soomaaliyeed ku tilmaamaan inuu yahay siyaasi galaangal badan, waqtigaan xaadirka ahna haysta taageerada dowlada madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, qaar ka tirsan xildhibaanada Digil & Mirifle ee Barlamaanka DFS iyo weliba taageerada dalalka deriska ee iyagu taageersan maamulka kmg ah ee Jubba ayaan la ogeyn tagistiisa Baydhabo waxa ay soo kordhin doono.

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Baydhabo waa haatan ka dhisan maamul hoostaga Madoobe Nuunoow Max’ed kaasoo haysta taageerada inta badan dadka ka soo jeeda lixda gobol ee KG Somalia iyo dhamaan odayaasha Dhaqanka Beelaha D&M oo iyagu soo dhisay dowlada DFS.  waxayna dadka deegaanada lixda gobol ee taageersan dowlad goboleedka KG Somalia eegayaan talaabada uu maamulka Madoobe Nuunoow Max’ed ka qaado wafdiga xildhibaan Shariif Xasan oo iyagu aan marnaba la gamban rabitaankooda ku aadan dhismaha maamul seddex gobol ah in loo dhiso gobolada Bay, Bakook, iyo Shabeelaha Hoose.

xildhShariifXasan

Idale News Online. Mogadishu.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.