Orodyahanka MO Farah oo istaaga ka dhacay (Daawo Sawirada).

40

MO Farah oo u cararo dalka Britain, ayaa wuxuu maanta ka dhacay istaaga, xilli uu Magaalada New York ee dalka Mareykanka, uu kaga qaybgalaayay nus Maratoonka.

Xilli uu galay kaalinta labaad ee tartankaan, ayaa waxaa dhacday in uu istaago ka dhaco, kadib markii uu noqday sida nin ay hurdo qabatay oo kale.

MO Farah, ayaa miir daboolnaa ilaa seddex daqiiqo, walow uu dib u soo naaxay, xilli la sheegay inaan la siin wax daawooyin ah.

MO Farah oo la hadlay Saxaafada, ayaa wuxuu sheegay in uu si xun u dhacay, xilli aysan dhammaan tartanka, isla-markaana uu doonaayay in uu kaalinta 1-aad galo.

“Si xun ayaan u dhacay naftayda waxaan u sheegay, “Ha ordin” balse markii aan arkay inta noo dhaxeysa ma yareyn. ‘Cimilada aad ayay u qabooobeyd maanta. New York maaha London oo kale, New York qaboob daran, ayaa ka jiro.” ayuu yiri MO Farah.

MO3
mo1
MO2
MO3
MO4
MO5
MO6

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.