Aas Qaran: Boqorkii Codka, Maxa’ed Saleebaan Tubeec.

86

Muqdisho – Waxaa Maanta oo Axad ah Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho, Meydka Marxuum Maxa’ed Saleebaan Tubeec oo 11-ka Bishan Maarso ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Jarmalka.

Teaser Image Aas Qaran: Boqorkii Codka, Maxa’ed Saleebaan Tubeec

Aaska oo ka dhacay Iskuulka Boolisiyo, oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin RW C/wali Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baaralamaanka Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano, Fanaaniin iyo Ehelada Marxuumka.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Tubeec, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wiilashii uu dhalay, sida Mustaf Maxamed Saleebaan, Mahdi Maxamed Saleebaan iyo Faysal Maxamed Saleebaan.

Sidoo kalana waxaa kasoo qeyb galay Xaasaskiisii Faadumo Duur iyo Khadiija Ismaaciil. DFS ayaa sheegtay in Qof walba oo Umadda u adeegga ay u samayn doonto mid lamid ah Aaska Qaran ee Maanta loo sameeyay Allah h u naxariistee Maxa’ed Saleebaan Tubeec.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.