Muungaab oo su’aalo badan ka jawaabay

58

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, oo xalay marti ku ahaay Barnaamijka Martida Makaroofanka, islamarkaasna ka baxa Idaacada VOA, ayaa ka jawaabay dhowr su’aalood oo la weydiiyay.

Waxyaabaha Muungaab wax laga weydiiyay waxaa kamid ahaa, qorshaha maamulkiisa uga dagan amaanka Muqdisho, dhulalka laysku haysto, Gudoomiyaasha maamula degmooyinka, iyo su’aalo kaloo fara badan.

Gudoomiye Muungaab oo ugu horeyn ka jawaabayay su’aal ku saabsaneyd amaanka Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in dhawaan la qaadi doono howlgalo ballaaran oo lagu nadiifinayo haraadiga shabaab.

Sidoo kale mar uu ka jawaabayay Gudoomiyaasha degmooyinka, ayaa waxa uu sheegay in Gudoomiyihii aan la jaan qaadin qorshihiisa cusub uu meesha ka bixi doono laguna badali doono Gudoomiye howl kar ah.

Is qab qabsiga dhulalka:

Gudoomiye Muungaab oo ka hadlayay is qabqabsiga dhulalka ku saabsan, ayaa waxa uu shegay in maamulkiisa hada uu joojiyay Cabirada dhulalka.

“Gabi ahaan waa la joojiyay wax Cabir dhul la dhaho, sida aan xafiiska u qabtay majiro wax dhul ku saabsan, waxaana la hagaajin doonaa waaxda dhul bixinta, waxaana u keeneeynaa Quburo” ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

muungaab

Dhanka kale waxa uu ka dhawaajiyay, in isbuuca soo aadan uu u guuri doono degmada Huriwaa, si loo soo celiyo amaanka degmadaas oo hooy u noqotay Al-shabaab.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.