Gabar ka mid aheyd Shaqaalaha Maxkamada Gobolka Banaadir oo la dilay.

92

Koox Bastoolado ku hubeeysan ayaa Xalay Degmada Hodan ku Toogtay Gabar ka mid aheyd Howlwadeenada Maxkamada Gobolka Banaadir. Teaser Image Gabar ka mid aheyd Shaqaalaha  Maxkamada Gobolka Banaadir oo la dilay

 Marxuumadaan la Dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Deeqo Max’ed Xasan,waxaana lagu  dilay Guri ay ka Daganeeyd Degmada Hodan.gaar ahaa Agagaarka Isbitaal Degfeer.

Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cornel Max’ed Daahir ayaa u sheegay warbaahinta  in Dilka Deeqo Max’ed Xasan loo soo qabtay Tiro Dad ah oo lala Xariirinayo Falkaasi Dilkaa.

Waxaa uu sheegay in Baaritaan lagu sameenayo  Dadkaan Howlgalka lagu soo qabtay islamarkaana hadii danbi lagu helo lagu qaadi doono.

Deeqo Max’ed Xasan ayaa waxaa ay ka mid aheyd Dadkii ku Dhaawacmay Weerarkii Argagixisada Al-shabaab ay ku qaadeen Maxkamada Sare ee Soomaaliya Sanadkii hore.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.