Tirintii codadka 1aad oo dhamaatey iyo Prof Xasan Sheekh Maxamuud oo la filan karo inuu ku guuleysto Jagada Madaxweynaha

9

Iyadoo aan laga hordhaci karin cidka ku soo bixi doonta Madaxtinimada dalka Soomaaliya, ayaa haddana waxaa iska cad, in marka la eego codadka ay musharaxiinta kala heleen in taasi Prof Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleysan karo Jagada Madaxweynaha.

Tirinta codadkii wareega hore iyo sida ay u kala horeeyaan:

1. Shariif Sheekh Axmed ——– 64 cod

2. Prof Xasan Sheekh Maxamuud —– 60 cod

3. Dr. Abdiweli Maxamed Cali Gaas — 30 cod

4. Dr. Cosoble                                 – 27

Dr. Cosoble oo ay jifo hoose yihiin Prof Xasan Sheekh ayaa ay suurtogal ka dhigeysaa iney kor u qaato tirada Prof Xasan Sheekh marka loo gudbo wareega 2aad oo 4taas musharax ay u tartami doonaa.

Waxaa suurtogal ah in codadka Abdiweli iyo Farmaajo ay si toos ah ugu biiriyaan Prof Xasan Sheekh, maadaama 2dii xakuumadood ay ka madaxda ahaayeen, ay ka shaqeyn weysey 2da Shariif oo ka mid ahaa dowladii kmg ahayd.

Waxii warar ah iyo weliba toos uga daawo website idalenews.com

 

Xafiiska warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Ahamed siyad_macalin@hotmail.com

 

You might also like More from author

Comments are closed.