Khilaafkii Baydhabo Janaay oo la Xaliyey& Sandheere Mad Aftiin& shiino Macalin loo Balan qaadey in ka mid noqodaan Golaha wasiirada cusub ee KGS.

61

Baydhabo(Idale News Online)-Xubnihii hor boodayey Shirka Maamulka loogu dhisayo Saddex Gobolka oo ka mid ah Gobolada Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku biiray Maamulka uu hogaamiye Madaxweyne Madoobe Nuunoow.

Teaser Image Khilaafkii Baydhabo oo la Xaliyey

Ugu yaraan 30 Xubnood oo iskugu jira Siyaasiin,odayaal iyo Ganacsato ayaa ku biiray Maamulka Koofur Galbeed ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaa la sheegay in Xubnahaan ay Hogaaminayaan Shiine Macalin Nuur Gudoomiye Xigeenkii Maamulka Gobolka Baay islamarkaana ahaa Hogaamiyaha Maamulka Saddexda Gobol u ololeenaya,iyo  Sandheere Max’ed  Iftin oo ah Siyaasi ka soo jeeda Gobolka Baay.

Xubnahaan ayaa mudooyinkii danbe ku shirayey Hottel Bakiin ee Magaalada Baydhabo,ayadoona lagu soo waramayo in Xalay ay ka Guureen oo ay Dageen Hottel lagu Magacabo  Manchester islamarkaana  lagu wareejiyey Ciidamo Amaankooda suga oo uu leeyahay Maamulka Madaxweyne Madoobe Nuunow.

Malaaq Cali Shiine ayaa wax baahinta  u xaqiijiyey in Mas’uuliyiintaan ay wada hadal ku yimaadeen islamarkaana ay maanta shaacinayaan in ay la midoobeen Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed.

Waxaana Arintaan ay Culeeys ku tahay Siyaasiinta ka soo hor jeeda Maamulka Madaxweyne Madoobe Nuunoow iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya intaba.

Idale News Online, Baydhaba

You might also like More from author

Comments are closed.