EEDEYN LOO JEEDIYAY WASIIRKA AMNIGA EE XUKUUMADDA SOOMAALIYA.

68

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ahayd Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay Eedeyn u jeedisay Wasiirka Wasaarada Amniga ee Xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed waxayna sheegtay in Wasiirka uu is hor istaag ku sameeyay go’aankii ay qaateen Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in uu u  shaqeeyo Baasboorka Diplomaasiga ah oo ay isticmaali karaan Xildhibaanadii hore.

Caasho Axmed Cabdalla ayaa sidoo kale Eedeyn u jeedisay Taliyaasha Ciidamada Booliska, Nabad Sugida iyo Wasiirka Amniga, waxayna ku Eedeysay sababtii ay ku dhacday iyagoo Muqdisho ku sugan in weerar lagu qaado Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxayna sidoo kale Madaxweynaha ka codsatay in Gudi Madax banana oo baara Arrintaasi loo xil saaro.

Sidoo kale,Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdala ayaa si gaar ah waxay fariin ugu dirtay wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Nicklos Key,kaasi oo ay ku tilmaantay in shaqadiisa ay ku kooban tahay dad gaar ah,iyadoona arintaasi u sababeysay in mudo sanad ah baadi goobeysay sidii ay ula kulmi lahayd.

xildhibaanadHore-caasha

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.