Sargaal Ajaanib ah oo lagu Qabtay Gobolka Bakool.

129

Sargaal ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab oo la sheegay in uu ahaa Ajaanib ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaa ay ku qabteen Qeybo ka mid ah Gobolka Bakool.Sargaalka ayaa la sheegay in lagu Qabtay Howlgal Xoogan oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen Gobolka Bakool,waxaana sidoo kale la xusay in  Howlgalka lagu dilay Saddex ka mid ah Ilaalada la socotay.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool oo lagu magacaabo Xuusen Warsame Afrax ayaa Keydmedia online u Xaqiijiyey in Sargaalkaan oo Dhalashadiisu tahay Kenya lagu qabtay Howlgalkaas,waxaana uu intaa ku daray in laga Helay Baasaboor Kenyan ah sida uu sheegay Mas’uulka.

Lama sheegin Magaca iyo Jegada uu Al-shabaab ka hayey Sargaalkaan marka laga sootago in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Gacanta ku soo dhigeen Horjoogahaan.

Waxaana ay imaaneeysaa xili inta badan Gobolka Bakool Maleeshiyada Al-shabaab laga saaray,oo ay ku dhuumanayaan haraadigooda Dhulka miyigaa ee Gobolka Bakool.

alshabab

 

Idale News Online, Bakool.

You might also like More from author

Comments are closed.