Xoogaga Al Shabaab oo xoojiyay dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan Degmada Baardheere iyo cabsi xoogan oo jirta

39

Xoogaga Ururka Al Shabaab ee gacanta ku haaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxay xoojiyeen dhaq dhaqaaqyada Ciidan, ee ay ka wadaan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa waxaa lagu arkayaa iyagoo gaadiidka dagaalka wata, oo isku kala gooshaaya Degmada Baardheere, si ay u difaacdaan goobaha la doonaayo in laga soo weeraro.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa doonaaya in ay laba jiho ka galaan Degmada Baardheere, si ay kaga saaraan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, muddo 7 sano kadib.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay ka kala dhaqaaqeen Buurdhuubo iyo Faafaax-dhuun, iyadoo ay jiraan laba wado oo halkaasi ka baxa, oo si toos ah u tagga Degmada Baardheere.

Shacabka, ayaa waxay baqdinta ay qabaan ay la xiriirtaa in ay soo bataan diyaaradaha dagaalka, ee duqeymaha ka geysanaaya Degmada Baardheere, deegaanada ku xeeran.

 

Idale News Online, Baardheere.

You might also like More from author

Comments are closed.