Maamulka Degmada Xudur oo Codsaday Gargaar Deg-deg ah

37

Gudoomiyaha Degmada Xudur Max’ed Macalin Axmed oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in Xaalad Adag ay ka jirto Degmada iyo Deegaanada Hoos yimaada.

Teaser Image Maamulka Degmada Xudur oo Codsaday Gargaar Deg-deg ah
Max’ed Macalin Axmed ayaa sheegay in Degmada Xudur ay ka jirto Xaalad Adag oo Dhinaca Noloshaa,islamarkaana haysata Dadka ku nool Degmada Xudur.

Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ka Codsaday in Gargaar Deg-deg ah ay la soo gaaraan Dadka Danyartaa ee halkaasi ku dhibaateeysan.

Dhanka kale Max’ed Macalin Axmed Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa Eedeen dusha oga tuuray Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab oo ku aadan in Caruurta Da’da yar ay Qoryo u dhiibaan,ka dibna ay dagaalka galiyaan.

Waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Gacanta ku dhigeen Caruur Da’yar oo Qiyaastii jira 9 Sano islamarkaana ay soo qaldeen Al-shabaab.

Cabashada Maamulka Degmada Xudur ayaa imaaneeysa Xili Degmada Xudur lagala wareegay maleeshiyada Al-shabaab.
Xudar Hadama
Idale news Online, Xudur.

You might also like More from author

Comments are closed.