Wax badan Ka Ogow Sida loo qabsaday degmada Buur-dhuubo & Warar cusub.

87

Sargaal lagu magacaabo C/raxmaan Axmed Amiin oo loo yaqaano Ansaari oo ka mdi ah saraakiisha Ahlusuna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa waxa uu ka warbixiyey qaabka ay ula wareegeen degmada Buur dhuubo ee gobolka Gedo.

Waxa uu Ansaari sheegay inay duqeyn marka hore ku garaaceen deegaano duleedka kaga beegan Buur dhuubo kadibna dagaal aan wakhti badan qaadan ay la galeen Al Shabaab kadibna ay ka baxsadeen sida uu hadalka udhigay.

Waxa uu C/raxmaan Axmed Amiin (Ansaari) hadalkiisa intaa raaciyey inay khasaaro xoogan ay ugeysteen ciidamada Al Shabaab sida uu yirina ma sheegin wax khasaaro ah oo dhankooda soo gaarin.

Ahlusuna waljamaaca sargaalkaan uhadlay waxa uu sheegayaa in Buur dhuubo ay xigi doonto Baar dheere qabsashadeeda taasi oo hadda ay isku diyaarinayaan buu yiri.

ciidanka

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.