Abaabul Xaflad Lagu Taageerayo Madaxda Cusub Ee Koonfur Galbeed oo Si Xowli Ah u Kala Socota Dalalka Suudaan Iyo Masar.

71

Magaalada Khartoum ee wadanka Sudan, ayaa waxaa kasocoto qaban qaabada xaflad lagu tageerayo dowlad Gobaleedka Koonfur galbeed soomaaliya,qaban qaabada ayaa waxay si xawli ah ugu socotaa wadankan, waxaana Magaalada laga dareemayaa kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo xidhiidh ah oo dhexmaraya guddida qaban qaabada oo ay horboodayaan madaxda ardayda reer k/galbeed ee wax kabarta wadanka sudan.

Madaxda qabanqaabada wado dhankooda waxa ay sheegayaan in xaflada ay dhici doonto wakhtigii loo qoondeeyay,kaasi oo ah horaanta isbuucan nagu soo aadan.

Madaxda Qaban qaabada wado qaar kamid ah ayaa warbaahinta Ishabaydhaba u sheegay in si fiican ay ku socoto qaban qaabada waxaana madaxdaasi kamid ahaa malaaqa ardayda kullanka hormarinta ardayda reer arlaadi mudane maxamed aadan mar uu arinkan ka hdlayayna hadaladiisa waxaa kamid ahaa “ xaflada qaban qaabadeeda waan wadnaa qaabka iyo qorshaha wax loo qaban lahaa waan diyaarinay, inkastoo maanta Jimce naga soo dhexgalay oo fasax lahaa ma dadaal yarin.

Maalmaha Sabtida iyo Axada ee toddobaadkan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo qaban qaabada xaflada kadibna lagu qabto khartoum xaflad taariikhi ah oo lagu taageerayo dowlad goboleedka cusub ee lixda gobol k/galbeed ee uu hogaaminayo Mudane Madoowe Nuunow Maxamed.

Waxaana la filayaa in marti sharaf badan ay ka soo qeyb galaan,kuwaasoo isugu jira madax sarsare iyo arday farabadan oo qaar ardayda kamid ay ka imaanayaan gobolada wadankan sudan oo ay wax ku bartaan.

Waxaa Qorey: Mukhtaar Mohamed Hassan “Catoosh”

MASAR.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxay sheegayan in magaalada ay ka socoto qabanqaabada xaflada lagu taageerayo Madaxda cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafladaan lagu taageerayo Madaxda cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Mas’uuliyiinta wada qabanqaabada Xafladaan ayaa Shabakada Ishabaydhaba u sheegay in Xaflada lagu soo bandhigi doonaa ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee Reer Koonfur Galbeed sida gaarka ah uleeyihiin.

Idale news OnLine.

You might also like More from author

Comments are closed.