Ciidamo Yuhuud ah oo Hub ku qabtay Xeebaha Somaliya

39

War kasoo baxay taliska ciidamada badda Yahuuda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ay xeebaha Soomaaliya ka qabteen doon hub gantaalo u badan u siday ururka Xamaas ee ka jira dhulka Falastiiniyiinta ee dhulkooda xooga looga haysto.

Wargeyska gudaha Israel kasoo baxa oo sheekadaan ka qoray ayaa waxaa uu ku waramayaa in ciidamadu ay qabteen markab waday hub fara badan oo ku sii jeeday marinka Qaza ee dhulka Falastiin oo uu ururka Xamaas maamulo.

Warku waxaa uu sidoo kale sheegayaa in hubka oo ay ku jiraan gantaalaha nooca M-302 laga dul mariyay tubooyin iyo jawaano Shamiito waxaana uu hubkaasi kasoo qaaday dalka Iran.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Israel oo la yiraahdo Col. Peter Lerner ayaa u sheegay warbaahinta markabkaan ay ciidamadooda ka qabteen meel qiyaastii 100 mile u jirta xeebaha Soomaaliya.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay in qorshuhu ahaa in markabkaan uu sii maro dalka Sudan kadibna uu Qaza u gudbo hase ahaatee ay ka war heleen kadibna ay xeebaha Soomaaliya ku qabteen.

Yahuudu xoog ayay ku haysataa dhulka ay leeyihiin dadka Falastiin sidoo kalena kama mid aha wadamada ay ciidamadu ka joogaan biyaha Soomaaliya.
yaxaas

You might also like More from author

Comments are closed.