Maxamuud Sayid Aadan ”Kismaayo waan u soconaa”.

43

Madaxweyne Kuxigeenka Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Maxamuud Seyid Aadan oo la hadlayey Idaacada BBC,da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Maamulka Lagu baahinayo Dhamaan Lixda Gobol ee Dhaca Koofur Galbeed ee Dalka.
Teaser Image Maxamuud Sayid Aadan ”Kismaayo waan u soconaa”

Madaxweyne Seyid ayaa sheegay in aysan jirin Cid ka hortaagan in Maamulka lagu baahiyo Gobolada Koofureed ee Dalka Soomaaliya islamarkaana ay Dhawaan 32-da Degmo ee Lixda Gobol ay ka kooban yihiin ay Gaarsiin doonaan Maamulka.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Koofur Galbeed ayaa Xusay in Qorshahaas ay Qeyb ka yihiin Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiinta ka soo jeeda Goboladaas,sidii Maamulka loogu baahin lahaa.

Mar la weydiiye Sayid Armiaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu sheegay in si Deg-deg ah Maamulka Koofur Galbeed ee Dalka Soomaaliya uu u gaari doono Magaalada Kismaayo,asagoona Maamulka Axmed Madoobe ku sheegay mid aan Bulshadu Rabin oo Gobolka Xoog ku jooga. waa sida hadalka u dhigey e.

“Cid kasta oo Nabada ka shaqeyneysa Maamulkeenu wuu soo dhaweynayaa,waxaan u taagan nahay in aan isku keeno Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan”ayuu yiri Seyid.

Hadalka Masuulkaan ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ee dalka ayaa imaanaya Xili Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa lagu Caleemo Saaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
sayid aadan
idale news Online, Baydhaba,

You might also like More from author

Comments are closed.