Qaramada Midoobey oo sheegtay in sanadka 2016 xooga saari doonto dhameystirka Xadgudubka caruurta loo geysto

50

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay wado dadaalo ku aadan sidii xal loogu heli lahaaa ama loo dhameyn lahaa shaqaaleysiinta iyo u isticmaalida Carruurta dagaalada sanadka 2016-ka. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa sheegay inay xooga saarayaan in carruurta lagu hubeeyo boogag iyo qalmaan, halkii qoryo ay ka qaadi lahaayeen.

Wuxuu sheegay in dunida oo idil ay caruurta isugu jirta Gabdhaha iyo Wiilashada dhinacyada Fikradaha kala duwan u adeegsadaan Dagaalada,Xamaalinimo,iyo waliba xadgudubyo kale oo ka dhanka bini-adanimada,kuwaasi oo dhamaantooda ka dhan ah Carruurta,” ayuu yiri Mr Banki Moon.

Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay Sideed wadan oo ka mid ah dalalka inta badan Carruurta xad gudubyada loogu geysto, wxaana ka mid ah dalalka Somalia Afghanistan, Chad, Koonfurta Suudaan, Myanmar, Yemen iyo Sudan oo lagu tilmaamay inay khalaaso ka jiraan.

“Dhamaan Carruurta waxay u baahan yihiin Ilaalin,ma ahan in La dhibaateeyo,” ayuu yiri Banki Moon,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in loo baahan yahay in Carruurta halkii laga dhibaateyn lahaa Lagula dadaalo sidii ay hormar iyo goobaha Waxbarashada u beegsan lahaayeen.

Inkastoo Soomaaliya hada laga dareemayo ifafaalo hormar iyo nabad muujinaya ayaa hadana waxaa jirin Talaabooyin cad oo loo qaaday sidii carruurta dhibaateysan loo daryeeli lahaa iyo kuwa la askareynayo looga joojin lahaa.

Waxaana inta badan warbixinada ku wajahan Carruurta ay dhaleeceeyaan dhinacyada dalka isku haya oo Carruurta dagaalada u adeegsada.caruurta

You might also like More from author

Comments are closed.