Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Goordhow Soo Idlaatay.

50

Xaflada caleemo saarka ee Madaxwaynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goordhow kusoo gabagaboobday xarunta ADC-da ee Caasimada Koonfur Galbeed Baydhabo.

Xafladaan ayaa waxaa kasoo qayb galay marti sharaf badan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin magac ku leh Soomaaliya, Haween, Aqoonyahano iyo Qurba joog.

Madaxwaynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo soo jeediyay khudbad ayaa ku cabiray waxyaabaha uu shanta sano xooga saari doono,waxaa ka mid ahaa arrimaha uu ka hadlay adkaynta ammaanka, midnimada iyo gaarsiinta addeegyadda shacabka Koonfur Galbeed oo idil, muujinta kalsoonida shacabka iyo arrimo kale oo aad u faro badan.

Madaxweyne Madoobe Nuunow waxa uu dhamaan dadkii kasoo qayb galay xaflada caleemo saarka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo qeybgaleen.
nuunow

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.