QM oo mar kale waqtiga u kordhisay in hub ay soo iibsan karto DF Soomaaliya.

43

Kulan caadi ah oo ay  isugu yimaadeen QM ayaa waxaa looga hadlay waxa laga yeelayo cunaqabateynta hinaca hubka ah ee saaran DF Somalia iyaga oo sheegay in ka walaacsan yihiin in hubka loo fsaxay DF Somalia uu gacanta u galo kooxaha argagixisada ee Dowladda ka horjeeda.

Golaha ammaanka QM ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in mudo sideed bilood ah loogu daray DF Somalia in laga qafiifiyay in hubka fudud ay ka soo iibsan karto wadamada kale ee caalamka.

QM ayaa kaga digtay DF Somalia in ay gacan bir ah ku qabato hubkaas isla markaana aysan ogolaan in hubkaas uu gacanta u galo ururka Al=Shabaab ee ka horeeda Dowladda.

Ugu danbeyntoo Golaha Ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay gudi gaar ah u xilsaari doonaan kuwaas oo la soconaya dhaqdhaqaaqa dhinaca hubka ah ee wadanka Somaliya.
x-united-nations-flag-wallpaper
Idale News Onine

You might also like More from author

Comments are closed.