Maamulka Degmada Xudur oo sheegey In ay ku wajahan yiihiin Degmadaasi.

62

Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Maamulka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmada Xudur ee Gobalka Bakool oo hada Shabaab ay ku sugan yihiin.

Maxamed Macalin Guddoomiyaha Degmada Xudur, wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay hada ku wajan yihiin Xudur oo Shabaab ay joogaan.

Shalay waxaa dagaal culus ka dhacay Degmada Rabdhuure ee Gobalka Bakool oo la sheegay in Shabaab laga qabsaday, inkastoo taasi aysan jirin cid xaqiijinaysa.

Dagaalkii shalay ayaa wuxuu ahaa mid culus oo dhinacyadii dagaalamay khasaaro kala duwan soo gaaray, welina saraakiisha Dowladda kama aysan hadlin dagaaladaasi.

Hada Gobalka Bakool ,waxaa ka socda Guluf colaadeeed oo udhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab, iyadoo ciidanka Dowladda ay taageero weyn ka helayaan ciidanka Itoobiya ee howlgalka AMISOM kamid ah.

Xudar Hadama

Idale News Online, Bakool.

You might also like More from author

Comments are closed.