Tarzan oo xuubsiibtay Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya

0 58

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Max’ed Axmed Nuur Tarzan ayaa noqday xildhibaan ka tirsan barlamaanka ka dib markii xubin brlamaanka ka tirsan oo lagu magacaabo Dr. Cismaan Dufle uu dib ugu wareeriyey Tarzan booskii barlamaanka oo ay beeshoodu laheyd.

Tarzan oo xilka laga qaadey dhowaan ayaa dad badani is qabeen in dib ugu noqon doono dalka UK ee uu in muddo ah ku noolaa marka xilka uu tiriyo laakiin waxaa muuqata in uu weli quundareynaayo ka qeyb ahaanshaha siyaasada adag ee dalku maanta maraayo.

Tarzan oo mudo 4 sano ka badan maamulaayey gobolka Banaadir  ayaa waxaa dad badani oo Soomaaliyeed qabaan in wax badan oo la taaban karo una badan dhinaca bilicda magaalada Muqdisho ka qabtey qeybo ka mid ah gobolka Banaadir, hase ahaatee ay jiraan eedaymo badan oo la xiriira inuu bixiyey dhulal dowladu laheyd oo dan guud ah kuwaasoo dad shacab ah laga iibiyey.

tarsan

Idale News Online, Mogadishu

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.