Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Koonmfur Galbeed oo Maamulka KMG Jubba ku wargeliyay in maamulkaasi hoos tagayo KGS.

89

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa Maamulka KMG Jubba ku wargeliyay in maamulkaasi uu hoos yimaado Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa yiri” Iminka waxaa curtay Dowlad Loo dhan yahay, maamulada KMG ee ka jira lixda Gobolka ee Koonfur Galbeed sida maamulada gobalada (Baay, Gedo , Sh.hoose, Bakool, J.dhexe iyo j.hoose) hada wixii ka dambeeya ay hoos tagi doonaan maamulka Dowladiisa halka markii hore ay hoos tagi jireen Dowlada Dhexe”

sayid aadan

Max’ud Sayid Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo sii wata hadalkiisa ayaa soo hadal qaadey in maamulka KMG ee Jubba uu hoos taga Dowladiisa iyo in kale ayaa cadeeyay in Maamulka KMG jubba uu la mid yahay sedexda gobal kale ee Koonfur Galbeed islamarkaana ay leeyihiin hal Madaxweyne.

Doorashadii Isniinta ka dhacday magaalada Baydhabo Janaay Xarunta Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa naxdin ku noqotay DFS & maamulka KMG ee Jubba kaasoo ah maamul Kumeel gaar ah oo aan ahayn Dowlad gobaleed sida ku xusnayd heshiiskii DFS iyo Maamulkaas ku wada galeen Magaalada Adis ababa.

Heshiiska Adis ayaa ugu muhiim sanaaa 3 qodob kuwaasoo kala ahaa:

In Dowlad gobaleedka Juba-land loo aqoonsado Maamul KMG ah oo shaqeyn doono labo sano
In Axmed Madoobe loogu yeero Hogaamiye gobal, sidoo kalane aan loogu yeeri karin Madaxweyne
In dadka deegaanka ama Shacabka ay xur uyihiin in labo sano kadib ay ka tashadaan Masiirkooda ku aadan sameyn Dowlad Gobaleed.

Markaad si fiican ufiiriso ama dib ugu laabato heshiiskii Adis waxaa hogaamiye KMG loogu dhigay 3 gobal oo aan ahayn madaxweyne dowlad gobaleed 3 gobal taasoo maanta dhismaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ka dhigeyso mid xalaal ah maadaama heshiiska lagu sheegay in shacabka iyaga xur uyihiin iney dhistaan dowlad gobaleed halka dastuurkana sidaas uu waafaqaayo maamulka KMG jubba ne uu hoos tagi doono Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili dad weynaha ku nool lixda gobal ay u hamuun qabeen in lamideeyo lixda gobal ee Soomaali ugu barwaaqsan.

 

Idale News Online, Baydhabo

Isha: somaligazette.com

You might also like More from author

Comments are closed.