Gudoomiye Jawaari oo Dalka Dib ugu soo laabtay.

76

Wafdigii Uu hogaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari, ayaa maanta dib ugu soo Laabtay Magaalada Muqdisho, kadib safar shaqo oo ay dalka Kenya ku Tageen.

Gudoomiye Jawaari oo markii Garoonka uu kasoo dagay waxaa halkaasi kusoo dhaweeyeen Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil ciidan, Waxaana intaasi kadib wuxuu saxaafada siiyay faah-faahin ku aadan safarkiisa.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa dalka Kenya uu la kulmay masuuliyiin kala duwan oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya, isagoona intaasi kudaray in dhawaan Muqdisho uu imaanayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya.
Jawaarey.aa
Idale News Online Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.