Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Kenya, kalana hadlay…

123

Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa shalay kulan la qaatay Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Kenya Justin Muturi iyo xubno kamikda baarlamaanka dalka Kenya oo uu kamid ahaa shir gudoonka aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Kulankan oo mudo saacado ah socdey ayaa waxaa lagaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen iskaashiga baarlamaanada soomaaliya iyo Kenya, iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka diblamaasiyaded, Ganacsiga iyo isu socodka bulshooyinka wadamada sooomaaliya iyo Kenya.

Waxaana kulankan kadib waftidan uu hogaaminayey gudoomiyaha baarlamaanka ee soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari lagu soo wareejiyey aqalka baarlamaanka dalka Kenya iyo xafiisyada ay ku shaqeeyaan madaxda sar sare ee baarlamaanka dalka Kenya.

jaawiri& Kenyaawi kale

Idale News Online, Kenya.

You might also like More from author

Comments are closed.