AQOONYAHANADA IYO JAALIYADA KOONFURGALBEED EE WADANKA SUUDAAN OO HAMBALIYO UDIRAYO MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KUXIGEENKA DOWLADA GOBOLEEDKA KOON FURGALBEED

64

Khartum:Dhamaan aqoonyahada iyo jaaliyada kasoo jeeda gobolada koonfur galbeed soomaliya ee kunool wadanka suudaan ayaa waxay  Hambaliyo iyo  bogaadin udirayaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed   iyo Madaxweyne ku Xigeenka  Maxamuud Sayid Aadan  oo shalay lagu dooratay magalada baydhabo janaay .

Doorashadii maalintii shalay oo ay taarikhdu aheyd 03/3/2014  kadhacday magalada baydhabo janaay taas u dhacday si dimuquraadi ah  oo shacabka siweyn usoo dhoweyeen  .

Aqoonyahanda sidoo kale waxay  hamabaliyo udiriyaan Gollaha guurtida koonfurgalbeed  iyo dhamaan qofkaastoo kasoo  shaqeyey ama  gacan kagweystay howshaan muda dheer soo socotay .

Dhamaan aqoonyahanada iyo jaaliyada oo iskuduuban waxay baaq udirayaan ururada  qaramada madoobey  iyo dowlada daneya arimaha soomaliya in ay lashaqeyaan maamulka cusub ee dowlad goboleedka koonfurgalbeed soomaaliya.

sidoo kale waxay baaq udirayaan dowlada soomaliya oo ay leeyihiin waa in ay taagyeeraan rabitaanka shacabiga  reer koonfurgalbeed una hogaansataa dastuurka federalka soomaliya   maxaa yeelay  go’aanka shalay lagu dhisay dowlad goboleedka koon furgalbeed waxaa uu soo socday dheer ku dhowaad mudo sanad  ah taasna waxay cadfaynaysaa rabitaanka shacabka degan lixda gobol oo kala ah (sh/ Hoose ,jubadda hoose ,jubadda dhaxe ,Baay ,Gedo ,Bakool).

Ugu danbeentii shacabiga dega lixdaas gobol waxay rabaan  hormarkooda in ay katashadaan iyo in ay soo celinyaan  cadaalada  iyo barwaqo kadhacda goboladaas inshaa allah .

W/Q:Aadam Abdi Ishak (Gentleman),

Aadamyare11@hotmail.com Sudan –khartoum

doorasho3

Idale News Online.

 

You might also like More from author

Comments are closed.