IGAD oo taageertay go’aanka dowlada federaalka, diidayna in ay la shaqeyso Maamulka Madoobe Nuunow

0 71

Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in aysan la shaqeyn doonin dowlad goboleedka lixda gobol ka kooban ee dhowaan duqowda goboladaasi ay ku dhiseen magaalada Baydhabo.

Ergiga gaarka ah ee Urur goboleedka IGAD, danjire Max’ed Cali Afeey ayaa cadeeyey in IGAD ay ku mowqif tahay dowlada federaalka Soomaaliya, oo iyadu horey u diiday inay aqoonsada doorashada Madoobe Nuunow loo doortey inuu noqdo Madaxweynaha maamulka lixda gobol ee Koonfureed.

Waxuuna si cad Afeeyey u yiri “IGAD waxay taageeri doontaa oo kaliya waxa dowlada federaalka Soomaaliya ay aqoonsan tahay oo kaliya”.

Afeey oo ku sugan xarunta urur goboleedka IGAD ee magaalada Addis Ababa oo la hadlaayey idaacada VOA in shirarka ka socda Baydhabo aysan aqoonsayn waxa ka soo baxa, waxa uuna sidoo kale sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya horey heshiis ula gashey maamul kmg ee Jubba sidaas darteedna aan la aqbali karin go’aan ka hor soo horjeeda heshiiskii Addis Ababa ee dowlada iyo Maamulka Jubba ay gaareen.

IGAD-logo

IGAD ayaa horey loogu eedeeyey in ay dowladdu ku farageliso dhismaha maamulada dalka iyo inay maamulo u sameyso goobaha Alshabaab laga saaro.

Idale News Online, Mogadishu.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.