Dhageyso: 400 Ciidan oo Ugandese ah oo ilaalo u noqon doona hay’adaha qaramada Midoobey oo Muqdisho laga sugaayo dhowaan

97

Cabdi Nuure Siyaad oo ka mid ah siyaasiyiinta magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u dhaliiley qaabka ciidamada AMISOM ku howlgasho isagoo sheegay in ciidamadii qaranka Soomaaliyeed iyo shaqooyinkii hoose  ee dalka dhamaantood ay la wareegeen ciidamada ajnabiga ee dalka jooga.

[audio:http://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/03/ExtraAmisom.mp3|autostart=yes]

Cabdi Nuure Siyaad oo mar ka mid ahaa hogaamiyeyaashii argagixiso la dirirka ee laga itaal roonaadey oo la hadlaayey mid ka mid ah idaacada maxaliga ayaa ku tilmaamey keenista ciidamada 400 ee ka socda dalka Uganda in ay yihiin kuwa gaar ah oo howshoodu tahay sidii ay ula wareegi lahaayeen shaqada ciidamada Soomaalida ee ilaalada u ah shaqaalaha gargaarka ee dalka ka howlgala., waxuuna arrintaas ku tilmaamey xad gudub loo geysanaayo waajibaadka shaqo ee muwaadiniinta Soomaaliyeed lahaayeen.
SOMALIA-UNREST-AFRICANUNION-BAIDOA
Idale News Online. Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.