Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi Uu Hogaaminayo Oo Xalay Si weyn Loogu Dhoweyey Imaaraadka Carabta

65
Raizul Wasaare Cabdi Wali oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Abu Dhabi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta U.A.E.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

Madax  sare oo ka tirsan boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi Amb. C/qaadir Sheekhey.

 

booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan, wuxuuna kala hadli doonaa iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasadda, Dib u dhiska Garsoorka, Amniga iyo xasilinta iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

abdi weli

 

 Idale news Online

You might also like More from author

Comments are closed.