Salaad Cali Jeelle oo dhaliiley waxqabadka hey’adaha Amniga dalka.

90

Salaad Cali Jeelle , oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa nasiib darro ku tilmaamay amni xumada magaalada Muqdisho iyo qaraxyada joogtada noqday isagoona dhaliilay hey’adaha amniga dalka .

Wuxuu sheegay xilli uu ka waramayay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afaafka hore ee baar FIAT inuu muujinayo in wali hey’adaha amniga dalka aaney muujin feejignaan xitaa hadii madaxtooyada Somalia todobaadkii hore la weeraray.

Gaariga qaraxa geysanaya wuxuu leeyahay taargo ninka wada wuxuu leeyahay leesinka gawaarida marka maxaa keenaya in dabagal lagu sameyn wayo ? wali waxaad moodaa inaan waxqabad dhab ah lala imaan “ayuu yiri Salaad Cali Jeelle

Ururka al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay agaarka km 0 ee magaalada Muqdisho , kaas oo ay ku nafwaayeen in ka badan 10 ruux.

Mas’uuliyiinta dowlada Somalia yaa tacsi u diray dhamaan dadkii ku nafwaayay qaraxaas iyagoona caafimaad u rajeeyay dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay .

salaad4

Idale News Online,Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.