Muddo kordhin 2 bilood ah oo loo sameeyey Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise

53

Wareegto goordhoweyd ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kuna taariikheysan 26-02-2014 ayaa waqti labo bilood ah loogu kordhiyey guddoomiyaha KMG ah ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali.

central banka Somalia

Bashiir Ciise Cali ayaa hayey xilka si ku-meelgaar ah mudoo saddex bilood ah waxaana waqtigiisu uu ku ekaa 28-ka bishan oo ku beegan maalinimada berito ah.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay in mudo labo bilood ah uu si ku-meelgaar ah hawsha u sii wadi doono Bashiir Ciise Cali, kadib markii la arkay baahida loo qabo inuu xafiiska Bangiga Dhexe sii hayo sida lagu qoray wateegtada.

Xil kordhinta Bashiir Ciise Cali ayaa timid ayaa xilli dawlada Soomaaliya ay rajeyneyso inay hesho dhaqaalihii caalamka ugu yaboohay sanadkii hore, waxaana su’aalo badan ka taagan yihiin iscasilaadii guddoomiyihii hore ee bangiga Yusra Abraar oo ahayd haweeneyda kaliya ee soo martay taariikhda maamulka Bangiga Dhexe ee dalka taasoo iscasishay bishii Novembar ee sanadkii hore ka dib markii sida warbaahintu sheegtay ay la kulantay cadaadis iyo cagajugleyn kaga timid xubno ka mid ah madaxtooyada dawlada federaalka.

Iscasilaada Yusra Abraar ayaa illaa hadda waxay gilgishay aaminaada ay beesha caalamka ku qabto maamulka lacagta ee dalka ka dib markii ay soo bexeen shaki ah in musuqmaasuq uu jiro taasina ay tahay sababta ka dambeysa iscasiladeeda.

Idale Online, Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.