Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Oo Lamagacaabay.

70

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho loo magacaabay Saareeye Guuto Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, kaasoo maalmahan la hadalayay in xilkaas loo magacaabayo.

Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Maxamuud Axmed Tarsan oo xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho hayay tan iyo bartamihii sanadkii 2010, waana Gudoomiyaha ugu waqtiga dheeraa.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu faray Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir inay si toos ah ula shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab).

Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ay tahay mid rasmi ah oo wareegto goor dhow soo baxday lagu shaacin doono.

Jen. Xasan Maxamed Xuseen ayaa horay u ahaa Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada qalabka sida, waxaana xilkan la sheegay inay kula tartamayeen xubno kale duwan oo ka soo jeeday Beesha Mudullood.

Mr Tarsan ayaa ahaa Gudoomiyaha ugu waxqabadka wanaagsanaa ee soo mara Muqdisho, iyadoo lagu xusuusan doono wixii uu ka qabtay magaalada, sida bilicda magaalada, nadaafada iyo kicinta bulshada, waxaa uu ahaa nin cod kar ah oo aan la ganban afkaartiisa.

Magacaabista Mungaab ayaa soo afjareysa warar iyo hadal heyn badan oo muddo soo jiitamayay, kaasoo ahaa in loo magacaabi doono xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

muungaab

Idale news Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.