DAAW Faah-faahin Dheeraad ah Qaraxii ka dhacay Muqdisho ee Maanta

58

Wararkii ugu danbeeyey ee Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay Korortay Tirada Dadka ku Dhintay Qaraxa, waxaana Dadka Qaraxa ku geeriyooday ay gaarayaan ugu yaraan 12-Ruux.

Qaraxa ayaa Maanta ka dhacay Maqaayada ku taala Isgooyska KM-0 ee Degmada Cabdi Casiis, Gaar ahaan  irida Hore ee Baar fiyaad, waxaana sidoo kale Dadka ku dhaawacmay ay Gaarayaan 17-Ruux.

Gudoomiyaha Degmada Cabdi Casiis ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa islamarkaana uu watay Qof Nafti Halige ah.

Gudoomiye Xigeenka Amaanka Maamulka Gobolka Banaadir Warsame Joodax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaraxa Dadka ku geeriyooday ay ku jiraan Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya iyo Dad Shacab ah oo Argagixisada ay Beegsatay.

Dhanka kale Goobaha Faacimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la geeyey Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa Todobaadyadi ugu danbeeyey waxaa ka dhacayey Qaraxyo iyo Dilal Qorsheeysan.

1152123134111161210

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.