Qarax Goor dhow ka dhacay Nawaaxiga Xarunta Ciidanka Nabad Sugida ee Muqdisho.

99

Sida ay inoo xaqiijiyeen Goob Joogayaal waxaa qarax Ismiidaamin ah goor  dhow uu ka dhacay Nawaaxiga Xarunta Habar Khadiija oo ah Taliska ugu sareeya Ciidanka Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari Nuuca NOAH ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa wrarka qaar ay sheegayaan in gaariga uu gudaha u galay Baar FIAT oo Xarunta Nabad Sugida u dhow halka warar kalana ay tilmaamayaan in gaariga la dhigay afaafka hore ee Baarka.

Meesha qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaana dad goobta ku sugan ay inoo xaqiijiyeen Meydadka illaa 10 qof oo Askar iyo Shacab isugu jira.

kala soco waxii ka soo kordho wararkayaga dambe.

dabMuqdisho

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.