Ururka Ahlu sunna oo eedeyn kulul usoo jeedisay Dowladda federaalka Soomaaliya

52

Ururka Ahlusuna ayaa markale waxa ay ku celiyeen in Dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo baxdo heshiiskii ay wada galeen ee kadhacay Magaalada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.

Guddoomiyaha Saddexda Gole ee Ururka Ahlusuna Sheekh Ibraahin Guureeye oo ka hadlaye Magaalada Caabudwaaq, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay uga fadhiyaan hirgelinta heshiiskii ay wada galeen.

Inkastoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hada ku mashquulsan badi dhanka ammaanka, hadana majirto dhanka Dowladda wax war ah oo kasoo baxay, kaasi oo ku aadan fulinta heshiiska Caabudwaaq ay ku kala saxiixdeen Ahlusuna iyo Dowladda Federaalka.
Qodobo kamid ah heshiiskaasi ayaa waxa uu dhigayaa:

3:In dhamaan ciidamada Ahlsu Suna, Hubkooda iyo Gaadiidkooda dagaalba lagu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayagoo ka mind noqonaya ciidamada qalabka si ay u helaan xaquuqdooda ciidan-nimo.

4. In laga bixiyo kharashaadkii iyo deymihii Ahlu suna ku galay la dagaalankii Khawaarijta Al shabaab, kharashkaas oo dhan 5 Million oo dollar, waxaana leysla gartay in jadwal taariikheysan iyo guddi farsamo loo saaro qaabkii deymahaas loo bixin lahaay.

5.Dowladdu waxay la wareegeysaa maamulada degmooyinka gobolada dhexe ee Ahlu suna gacanta ku heyso, kuwaas oo si toos ah u hoos imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xaquuqdoodii u helaan.

Ahlu sunna

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.