Qaar ka mid ah musharaxiinta doorashada Madaxweynaha oo khudbado jeedinaaya

48

Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa khudbado ay jeedinayaan ugu bilaabatey qaar ka mid ah musharaxiinta u tartarmeysa xilka jagada Madaxwenaha Soomaaliya. Toban Musharax ayaa loo qoondeeyey maanta iney khudbado u jeediyaan xildhibaanada Soomaaliyeed. Waxaa kulanka maanta la sheegey inuu yahay mid aan loo kala kicin ilaa 8:00PM xiliga Muqdisho

Musharaxiinta Khudbadaha ka hor-jeedin doona Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Shariif Sheekh Axmed oo noqonaya qofka lixaad ee Khudbada jeedin doona.

Hadaba magacyada Musharaxiinta iyo sida ay isugu xigaan Khudbadahooda ayaa waxay kala yihiin sidan:-

1- Axmed Ismaaciil Samatar
2- Xuseen Khaliif Jaamac
3- Max’ed Axmed Saalax
4- Cabdullaahi Axmed Caddow
5- Max’ed Cabdullaahi Ow-maar
6- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
7- C/wali Max’ed Cali Gaas
8-Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo
9- Salaad Cali Jeelle
10- Cumar Salaad Cilmi.

Sidoo kale maalinta berri ayaa la filayaa inay Baarlamaanka khudbad ka jeediyaan 15-ka kale ee musharaxiinta, iyadoo 10-ka bisha oo ku beegan Isniinta ay tahay maalinta ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.