Madaxweyne Xasan sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Switzerland.

64

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee dalka Switzerland u qaabilsan Soomaaliya, Domanic.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay Switzerland sida ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Safiirka cusub ayaa ku wareejiyay madaxweyne Xasan dhambaal uu uga siday madaxda dalka Switzerland.

Wuxuu uga mahad-celiyay madaxweynaha sida uu uga aqbalay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo, wuxuuna ballan-qaaday inay dowladdiisa ka caawin doonto Soomaaliya dib u dhiska dalka, horumarinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka.

Waa markii ugu horreysay muddo 30 ah oo Switzerland ay safiir u soo magacowdo Soomaaliya.

SAFIIR

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.