Haweeneey ka mid aheyd mutadawaciinta Cudurka Dabeesha Oo Muqdisho lagu dilay

111

Mid ka mid ah haweenka sida mutadawiciinta ah ugaga howlgala magaalada Muqdisho barnaamijyada tallaalka cudurka dabaysha ayaa kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Saddex dhalinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado ayaa ku diley haweeneydan meel ku dhow isgoyska Xararyaale ee magaalada Muqdisho.

Dilka haweeneydan ayaa waxaa xaqiijiyay wiilkeeda oo kamid ah saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta magaalada Muqdisho.
Illaa hadda lama oga cidda ka dambaysa dilka haweeneydan waana markii ugu horeysay ee dil loo geysto shaqaalaha ka howlgala ololaha ciribtirka cudurka dabaysha.

Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka socda barnaamijka ololaha tallaalka cudurka dabaysha iyadoo barnaamijkana ay iska kaashanayaan hay’ada Unicef,WHO iyo dowlada Federalka Soomaaliya.
Tan iyo markii laga helay dad qaba cudurka dabaysha ama boolyada deegaano kamid ah koofurta Soomaaliya ayaa waxaa la kordhiyay barnaamijyada loogaga tallaalayo dadka cudurka dabaysha.
Hase yeeshee deegaanada ay maamulaan ururka Alshabaab ayaa laga mamnuucay in laga tallaalo carruurta cudurka dabaysha.

Dhinaca kale waxaa lagu diley deegaanka suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho haweeney ka ganacsata shaaha iyadoo aan la ogeyn cidii ka dambaysay dilkaan. Magaalada Muqdisho ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan.

dilqorsheysan

Idale News Online Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.