Siyaasi C/laahi Axmed Cadoow oo masuuliyiinta ammaanka ugu baaqay inay iscasilaan.

64

Siyaasiga C/laahi Axmed Cadoow oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay ammaanka Magaalada Muqdisho iyo weerarkii Shabaab ay ka geysteen xarunta Madaxtooyada dalka.

Mr Caddow ayaa is weydiiyay sida ay ku dhacday in loo dayaco ammaanka Madaxtooyada oo ah saldhigii qaranka iyo sababta dareyska ciidamada dowladda loogu soo weeraray, ayna u ogaan waayeen hey’adaha ammaanka.

“Maxaa keenay in tuutihii ciidamada lagu soo weeraro Madaxtooyada, maxaa sababay in dayacaaad intaa uu dhaco, miyaysan jirin war-doon, teeda kale hey’adaha amniga maxay qabanayeen, waa wax aan la qaadan karin waa meeshii ugu dambeysay ee saldhiga qaranka ahaa”ayuu yiri Siyaasiga C/llaahi Axmed Caddow.

Siyaasiga ayaa ugu baaqay hey’adaha ammaanka dowladda inay booska baneeyaan oo ay is casilaan, waxaana wax aad looga xumaado ku tilmaamay qaabkii ay ku dhacday aaskii loo sameeyay mas’uuliyiintii ku dhintay oo uu sheegay in qaab qabiil loo aasay.

Top story

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.