Daawo: Madaxa AMISOM oo sheegay inaan Shabaabka laga guuleysan karin haddaan dowladu haysan taageerada shacabkeeda

100

Madaxa ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia Danjire Annadiif ayaa cambaareeyay weerarkii Alshabaab saaka ku qaadeen madaxtooyada Somalia.‘‘Waxaan jeclahay in marka hore aan sheego sida aan uga xumahay weerarkii saaka lagu qaaday Villa Somlia waxaana si adag u cambaareynaynaa wixii dhacay anagoo tacsi udiraynaa qooysaskii dadkii ku dhintay weerarkan,’’ ayuu yiri Annadif.

anadif

‘‘Marka laga yimaado cambaareynta waxaan doonaynaa inaan sheegno in wixii dhacay uu yahay wax aad khatar u ah,dadkii ku dhintay irida Villa Somalia waxay ahaayeen waxay qabeen tuutaha ciidan oo u eg kan ciidamada dowlada waxaan markii ugu horaysay adkaatay in la kala garto ciidanka iyo kuwa weerarka soo qaaday.Si kasta oo aan uniyad sanahay awoodna u leenahay AMSIOM kaligeed ma xorayn karto Somalia ama kama guulaysan karto Alshabaab hadii uusan shacbku taageerin’’ ayuu markale yiri Annadif.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.