Dhageyso: Afhayeenka Guddiga Doorashada dowlad goboleedka KG oo ka waramey howsha guddigooda & xiliga kama dambeysta ee doorashada

105
[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/02/COD-KA-AF-HAYEENKA-GUDIGA-OO-MAGACYADA-1.mp3|autostart=yes]

Shirka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka socda magaalada Baydhabo ayaa lagu magacaabey guddigii doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka KG iyo labadiisa ku xigeen. Guddigaan oo tiradooda gaareyso ilaa 15 xubnood ayaa waxay howshooda noqoneysaa diyaarinta nidaamka doorashada iyo sharuudaha looga baahan shaqsiyaadka hanka siyaasadeed ka leh qabashada Madaxtinimada maamulka KG Somalia.

Magacyada guddiga ayaa kala ah:

1. Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Maxamed Xaaji Faarax
2-Suldaan Nuur Xaaji Cabdulqaadir Maxamed
3-Ugaas Cabdulaahui Maxamed Cabdi
4- Ugaas Aadan Maxamed Mayow
5-Ugaas Cabduqaadir C/laahi Daasay
6-Suldaan Buube Cabdule Buube
7-Suldaan Xaaji Xuseen Maxamed Macalin
8-Malaaq Cabdirashiid Sheekh Saleemaan Cabdi
9-Ugaas Nuur Shaakow Jibriil
10-Suldaan Xaydar Suldaan Suufi Munye
11-Malaaq Siidow Maadow Muuse
12-Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deerow
13-Malaaq Cali Barre
14-Xaawo Sokorow Cali
15-Aweys Sheekh Cabdulahi

Gudoomiyaha, Gudoomiye Ku Xigeenada Iyo Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KGS waxaa loo doortay Suldaan Xaydar Suldaan Suufi Suldaan Munye, halka Gudoomiye ku xigeennada loo doortay Suldaan Buube Cabdule Buube iyo Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deerow.

Afhayeenka ahna Xoghayaha Guddiga waxaa loo doortay Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Maxamed Xaaji Faarax.

Guddiga Ayaa Waxaa Loo Qaybiyey Sadex Qeybood Oo Kala Ah:-

1-Guduga Amniga waxaa Gudoomiye u ah Ugaas Nuur Shaakow Jibriil, Ugaas Cabduqaadir C/laahi Daasay iyo Ugaas Aadan Maxamed Mayow

2-Gudiga Farsamada iyo Diiwaangelinta waxaa Gudoomiye u ah Suldaan Nuur Xaaji Cabdulqaadir Maxamed, Kuxigeenada Xaawo Sokorow Cali iyo Malaaq Cabdirashiid Sheekh Saleemaan Cabdi.

doorashada

Idale News ONline, Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.