25 Musharax oo buuxiyey Sharuudahii Doorshada Madaxweynaha iyo waqtigii araajida oo xirmey

23

Liiska ay ku qoran yihiin 25 musharrax oo soo buuxiyey sharuudaha doorasahda jagada madaxweynennimada Soomaaliya ayaa guddiga doorashadu shaaciyeen maanta oo ahayd maalintii ugu dambeysey ee qabashada araajida. waxaana meesha ka baxey tiradii aadka u badaneyd ee markii hore isku soo taagey xilkaas.

Guddiga doorashada ayaa 1 saac oo dheeri ah ku daray waqtigii loo qabtay inay musharraxiinta ku soo gudbiyaan araajida waxayna ku ekayd 6-da maqribnimno ee Muqdishu.

Magacyada 25-ka musharrxa waxay kala yihiin:

1.      Axmed Ismaaciil Samatar

2.      Bashiir Nuur Xasan Bidaar

3.      Cabdilqaadir Cosoble Cali

4.      Cabdiraxmaan Cabdi Xaashi

5.      Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

6.      Cabdiraxmaan Macalim Baadiyow

7.      Cabdiwaaxid Cilmi Cumar “Goonjeex”

8.      Cabdiweli Maxamed Cali

9.      Cabdullaahi Axmed Caddow

10. Cumar Salaad Cilmi

11. Cusmaan Maxamed Gacal

12. Ibraahim Cali Xuseen

13. Maslax Maxamed Siyaad Barre

14. Maxamed Axmed Saalax

15. Maxamed Cabdiweli Sheekh Yuusuf

16. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

17. Maxamed Cabdullaahi Oomaar

18. Maxamed Ismaaciil Yaasiin

19. Saciid Ciise Maxamuud

20. Salaad Cali Jeelle

21. Shariif Sheekh Axmed

22. Xasan Sheekh Maxamuud

23. Xuseen Khaliif Jaamac

24. Yuusuf Garaad Cumar

25. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Bisha 7deeda iyo 8deeda ayaa ah maalinta la dhageysanaayo khudbadaha masuuliyiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha, maalinta 9aad ayaa noqoneysa maalinta ugu dambeysa ee olaha doorashada madaxweynayaasha, maalinta xigta ee bisha September tahay 10 ayaa ah waqtiga loo balamey in xildhibaanada u codeeyaan musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhamaan musharaxiintaas u taagan xilka ugu sareeya ee dalka ayaa bixiyey qofkiiba 10,000 USD sidoo kale la yimid saxiixa iyo teleefoonada 20 xildhibaan. laakiin dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in inta badan musharaxiintaas ujeedkoodu yahay in khudbad un doonaayaan in ka horjeediyaan golaha shacabka & shaanshada caalamka si ay taariikdha ugu gasho, halka qaar kale yihiin musharaxiinta la filaayo iney yihiin front runners, sida C/weli Gaas, Sheekh Sharif, C/raxmaan Baadiyoow, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Farmaajo, kuwaas oo dhamaantood la filaayo in wareega 1aad ka soo gudbaan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.