RW C/wali oo lagu soo dhaweeyay Addis-Ababa

63

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan Xukuumaddiisa oo gelinkii dambe ee shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray xalay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia,  iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu ku joogo Addis Ababa, ayaa waxaa uu qayb ka yahay booqasho rasmi ah oo uu ku marayo Ethiopia iyo Djibouti,  iyadoo wafdiga Ra’iiusl Wasaaraha ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale.

“ Socdaalkan aan kusoo gaarnay dalka Ethiopia waa mid aan ku xoojinayno xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaan iska kaashan doonnaa arrimo ay ka mid yihiin Amniga iyo la dagaalanka xagjirka khatarta ku ah guud ahaan gobolka, waxaa kaloo aan iska kaashan doonnaa arrimaha kale ee siyaasadda iyo dhaqaalahu ay ka midka yihiin.” Ayuu yiri R/wasaaraha

“ Ethiopia waxaa ay ka mid tahay dalalka dariska ah ee qaybta ka ah howlgallada AMISOM ee xasilinta amniga iyo la dagaalanka xagjirka, waxaa la gaaray xilligii aan sii xoojin lahayn howlgallada ay iska kaashanayaan dawladda iyo dalalka dariska ah si loo soo afjaro kooxaha Nabad-diidka ah ee cadawga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, Gobolka iyo guud ahaan caalamka.” Ayuu intaas raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaadan doona mas’uuliyiinta dalkaasi oo uu ka mid yahay Ra’iiusl Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Mas’uuliyiinta kale ee dalkaasi qaarkood.

cabdi

Idale News Online, Addis ababa.

You might also like More from author

Comments are closed.