Waa Kuma Musharax Madoobe Nuunow? (Akhriso Taariikh-Nololeedka Mr. Madoobe Nuunow Maxamed)

82

– Magaca Madoobe  Nuunow Maxamed

– Ku dhashay Degmada Diinsoor 1948

– Xaas  iyo Caruur

A) Heerka Waxbarashada

– Dugsi Hoose – Dhexe – Sare Dinsor / Xamar  Hawlwadaag /Xalane  1961/79

– Machadka Culuunta,Siyaasadda  Xalane (Political Seines)  (DIPLOMA) 1979/1980

– Machadka Maamulka iyo Maareynta Somali Institute  Of Development Administration And Management (SIDAM) DIPLOMA One Duration 1984

– Seminaaro iyo Aqoonkororsiyo Sharciga, Maamulka, Siyaasadda, Bulshada iyo Tababaro Ciidanimo,Xafiiskii Xiriirka Dadweynaha iyo kii Siyaasadda ee Abuurista Kaaderiin xagga Siyaasadda iyo Maamulka  ee xilligii 1970/1990kii.

– Seminaaro:-Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha Somaliyeed Xaruunta dhexe ee Muqdisho 1976/77

U Gogolxaariddii Aasaaska Xisbigii Hantiwadaagga 1976 iyo Anigoo ka mid ahaa Aasaasayaashii XHKS Shirweynihii Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo Xubin Xisbiga ka mid ah.

– Seminaaro:-Ururkii Dhallinyarada Xaruunta dhexe iyo Heer Degmo, gobolka 1972 ilaa 1974

– Ka qaybgel shirar iyo seminaaro aqoonkororsi( ku saabsan hawlaha Dasaatiirta iyo Saxaafadda) kuwaasoo lagu kala qabtay Dalalka Shiinaha,Sudaan, Jarmalka. Kenya, Jabuuti, Sacuudi Carabiya iyo Gudaha Dalka 2007 ilaa 2010ka.

– Ka qaybgel Shirarkii Dibuheshiisiinta Somaliyeed ee waqtiyada kala duwan lagu kala qabtay  Dalalka Ethiopia 1993, Djiouti 2000  Kenya 2003 ,Djibouti 2008/9  iyo kuwo dalka Gudihiisa lagu kala qabtay,

B) Waaya-aragnimada Shaqada

– Dhallinyaradii Horseedka SYL ee heer Degmo Diinsoor 1966/8

– Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Karaani ama Xoghayn Guddoomiyaha Degmada Diinsoor 1974ka

– Madaxa Xafiiskii Siyaasadda ee Degmada Diinsoor 1976 /78

– Guddoomiyaha Ururkii Dhallinyarada Kacaanka Soomaliyeed Degmada Diinsoor ,xubin Guddiga Dhallinyarada Gobolka Bay,

– Xoghayaha Warfaafinta Xiriirkii Ururada Shaqaalaha Guddigiisa Degmada Diinsoor,Xubin Guddiga Shaqaalaha Gobol Bay,

– Guddoomiyaha Guddiga Disibilinka Tababaradii Ciidameynta Shaqaalaha Dowladda iyo Ururadii Bulshada ee Xalligii Dowladdii Kacaanka,(oo loo yaqiinay Tababarka Maleeshiyaada)

– Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada ee XHKS Degmada Diinsoor 1977/78

– Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Sablaale  Gobolka Shabeellada Hoose 1980/81dii.

– Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Beled Xaawo 1981/83,

– Kaaliyaha Koowaad ee XHKS ee Degmada Diinsoor,

– Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Magaalada Diinsoor 1985

– Hawlwadeen  XHKS  Xaruunta Dhexe  ee Xamar,

– Xoghayaha XHKS ahna Guddoomiyaha Maamulka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe 187- 90ka,

– Guddoomiyaha Guddi Samatabixin Degmada Diinsoor Xalligii Burburka  billowday 1991- 92

– Guddigii Fulinta Ururkii Boonkaay 1993,

– Abuuris EGAT LNGO Noqdayna  Guddoomiye NGO-ga 1994

– Asaasayaashii Shirarkii looga gogolxaaraayey Dowlad Gobleedkii May niin dan e iyo May niin Tala e oo lagu qabtay Baydhabo 1993/94

– Wasiir-Goboleedka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedkii lagu dhisay Baydhabo 1994ka

– Asaasayaashii Ururkii RRA 1995

– Guddiga Fulinta  ahna  Madaxa Hoggaanka Gaadiidka iyo Isgarsiinta Ururka

– Xubin Baarlamaan iyo Guddiga Siyaasadda iyo Maamullada Baarlamaanka TNG Arta 2001

– Xubin Baarlamaan TFG Embgath i Kenya 2004ka

– Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Dowladda TFG,2004

– Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Dowladda TFG 2007

– Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga (Magacaabid) 2008ka,

– Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda TFG 2009 ilaa 2010ka.

– Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka  2011

– Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG Somaliya 4/01/2012

– Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Baarlamaanka Federaalka 2013/4

– Guddi Farsamo iyo (Steering Committee) Dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya  2012 ilaa 2014.

Dhammaad.

nuunow

Idale News Online.

xigashao: Ishabaydhaba.com

You might also like More from author

Comments are closed.