Ra’iisul Wasaare Abdiwali Sheikh Axmed oo safarkiisa ugu horeeyey ugu ambaxbaxay dalka Ethiopia

42

Raysal wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maqribnimadii caawa [waqtiga Soomaaliya] u dhoofay magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Ethiopia.

raiisulWasaareAbdiwali

Raysal wasaaraha oo ay wehlinayaan xubno wasiiro ah ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wax yar ka dib markii uu guddoomiyey shirkii caadiga ahaa ee golaha wasiirada kaasoo ai aad ah looga dooday amaanka magaalada Muqdisho oo maanya iyo xalayba qaraxyo ay sheegteen Al Shabaab ay ka dheceen kuwaasooo dadna ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen.

Warar ku dho dhow xafiiska raysal wasaaraha ayaa sheegaya in uu ka qeybgalayo shir amaanka gobolka Geeska Afrika looga hadlayo oo ay ka qeybgalayaan madax ka tirsan dawladaha ku yaalla gobolka, kaasoo raysal wasaaraha iyo wasiiradiisa amaanka iyo difaaca ay kala qeybgalayaan.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horeyay oo raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed uu dalka dibadiisa ugu dhoofo tan iyo markii loo magacaabay xilka bishii Disembar

You might also like More from author

Comments are closed.