Somaliland oo ka horjoogsatay madaxweyne xigeenka Puntland Cameey inuu gaaro degmada Buuhoodle oo ay taageerayaashii ku badan yihiin

55

Ciidamo ka tirsan Somaliland oo aad u hubaysan ayaa la sheegayaa in ay isa soo dhoobeen Deegaano ka tirsan gobolka Sool qaasatan Deegaanada Hawdka oo ay ka mid tahay Dharkayn-geenyo iyo Karin- Dabayl- wayn si ay u hakiyaan Socdaal la sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane C/Xakiim Cabdulaahi uu ku doonayay in uu ku tago Degmada Buuhoodle ee Caasimada Gobolka Cayn.

Ujeedka Ciidankan ka socda Somaliland ayaa wuxuu yahay in ay hakiyaan Madaxweyne ku xigeenka si uusan u tagin Buuhoodle sida aan wararka ku heleyno, waayo waxaa la hadal hayay in Mudane Cameey uu aado buuhoodle oo Deegaan ahaan uu kasoo jeedo si uu taageero ugu raadiyo Xukuumadiisa, hase ahaatee waxaa taasi is hortaagay Ciidamadaasi ka socda Somaliland oo xiray wadadii loo mari lahaa magaalada Buuhoodle.

somaliland

sidoo kale Ciidamo Khaatumo taageera ayaa isaga hayaamay Deegaanka Karin Dabayl Wayn oo Somalilantu qabsatay waxayna gaareen deegaanka taleex halkaasi oo ah Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Khaatumo sida ay sheegteen.

Maamulka Somalind horay ayeey uga digeen Dowladda Puntland in ay soo farageliso Deegaanada Somaliland gacanta ku hayso, halka Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Ucid ee Ururada Somaliland ka tirsan uu iclaamiyay Dagaal ka dhan ah Madaxda Puntland isaoo sheegay in uu tuute xiran doono hadii Puntland ay soo haweysato Deegaanada Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Wax war ah kama soo bixin dhanka Somaliland sidoo kale iyana wax war ah kama aysan oran arintan Puntland ee la xiriirta Ciidankan lasoo dhoobay hawdka Gobolka Sool, waxayse arintan kusoo beegmaysaa iyadoo horay Madaxweynaha Puntland uu u sheegay in Laascaanood aan faataxo lagu qabsan Faataxana lagu soo celin doonin taasi oo u muuqatay in uu Mudane Gaas iclaaminayo Dagaal ka dhan ah Somaliland taasi oo dhalisay In Maamulka Somaliland ay iyana is difaacaan Ciidanna kusoo daadiyaan meelo u dhaw Caasimada Puntland.

You might also like More from author

Comments are closed.