Duufaan Baraf wadata oo mar kale ku dhufatay gobolada koonfuureed ee dalka Mareykanka

52

Gobalada Georgia iyo South Carolina oo kamid ah goobaha cimiladooda kulu shahay ayaa waxaa ka da’ay baraf xoogleh kaasi oo xaafadp badan ka jaray korontaadi.

qabowBarafNA

Ugu yaraan 11 qof ayaa shalay (Arbaca) ku dhimatay shilal la xariira barafka ku habsaday qeybo kamid ah gobalada Georgia iyo South Carolina.

Barack Obama Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay goobahaasi ay musiibo ka dhacday, gurmad deg deg ah la gaarsiinayo.

28kii Janaayo ayey ahayd markii baraf noocan oo kale ku habsaday magaalada Atlanta ee gobalka Georgia, taasi oo keentay in dad badan ku xanibmaan wadooyinka, halka caruur badan ay dhex seexdeen iskuuladii ay ku jireen.

Duufaanta Barafka wadata ayaa hada la saadaalinayaa inay u sii gudbi doonto gobalada Waqooyi Bari ee wadanka Maraykanka.

Guddoomiyayaasha gobalada inta u dhaxeysa gobalka Louisina illaa gobalka New Jersey ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana la xiray goobo badan oo ay ku jiraan goobaha waxbarashada iyo ganacsiga.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.